U bood dhigaalka

Hey’adaha Qaramada Midoobay oo Ka Deyrinaya Abaarta Ka Jirta Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Hey’adaha Qaramada Midoobey ayaa ka deyrinaya xaaladda cunto yari ee ka jirta gobolka geeska Afrika, kadib abaaraha dabadheeraaday oo sababay in ay dadku wajahaan gaajo daran, taas oo laga cabsi qabo in ay isku badesho reer macluul, maadaama dadka intooda badan ay dhaafeen wixii ay ku noolaayeen.

Hey’adda cuntada u qaabilsan Qaramada Midoobey WFP ayaa waxaa ay ka digaysaa xaaladda ay sababtay abaarta ba’an ee ku dhufatay gobolka ayaa waxaa ay sheegtay in maalin waliba ay sii kordhayso gaajada daran , maadaama la siisaadaalinayo roobab yaan, waxaana hey’addu dalbatay gargaar deg deg ah.

Madaxa WFP ee Bariga Afrika, Michael Dunford oo dhwaan booqasho ku yimid Soomaaliya iyo  Waqooyiga dalka Kenya ayaa sheegay in uu aad uga walaacsan yahay xaaladda ka jirta Soomaaliya ay sababtay abaarta ba,an, taas oo saameyn ku yeelatay 7 Milion qof, waxaana ay noqonaysaa tii ugu sarneyn 21 sano.

WFP ayaa sheegtay in loo baahan yahay $416 Milyan, taas oo ah gargaar deg deg si looga jawaabo baahiyaha daran ee ka jira gobolka, iyadoo dadka ugu badan ee xaaladdaan wajahaya ay yihiin caruur iyo dad da’a h, kuwaas oo reer guuraa ah oo ay dhaafeen xoolahoodii ay ku nooleey iyo beeraha qodan jireen.

Hadalka kasoo baxay Madaxa WFP ee Bariga Afrika, Michael Dunford ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo abaarta baahsan ee ka jirta Soomaaliya ay sababeen abaaraha jira laga muujinaayo walaac ku aadan in ay isku rogaan xaalad macluul ah, tii oo ay jirto in wali lasii  saadaalinayo roobab yari hor leh.

Goobjoog News