U bood dhigaalka

Hey’adda IMF oo Sheegtay in Soomaaliya ay ka Gudubtay Hannaanka dib-u-eegista 5-aad ee Barnaamijka Deyn Cafinta

Sheeko:Dalka

Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay warbixinta qiimaynta dib-u-eegista 5aad ee Barnaamijka ECF ee hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda iyo Deyn Cafinta Soomaaliya.

Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa warbixinta ay soo saartay waxa ay ku sheegtay iyada oo ay jiraan caqabado amni, dhaqaale iyo cunno yari – haddana Dowladda Federaalka Soomaaliya horumar wayn ka samaysay sharuudaha barnaamijka Deyn Cafinta ee loo soo gaabiyo ECF oo hadda Dowladdu ka gudubtay hannaanka dib-u-eegista 5-aad.

IMF ayaa warbixinteeda qiimeynta ku sheegtay in Dowladda Soomaaliya looga baahan yahay in ay yareeyso isticmaalka Kharashaadka laga maarmi karo, iyada oo xoogga saaraysa arrimaha mudnaanta leh oo ay ugu horreyso xoojinta sare u qaadidda dakhliga gudaha.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu bogaadiyay in ay ka go’an tahay sii wadidda arrimaha dib-u-habeynta Maaliyadda, xoojinta xeerarka Maamulka Canshuuraha iyo Iibka Qaranka oo muhiim ah sare u qaadidda dakhliga dalka. Sidoo kale IMF ayaa bogaadisay Baarlamaanka Soomaaliya oo meel mariyay xeerar muhiim ah horumarka Maaliyadda Soomaaliya iyo Hufnaanta dhaqaalaha.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa soo dhaweeyay warbixinta IMF ay ka soo saartay qiimaynta hannaanka dib-u-eegista 5-aad ee ku saabsan shuruudaha Barnaamijka ECF ee Deyn Cafinta Soomaaliya.

“Waxa aan soo dhaweynayaa Warbixinta ay soo saartay Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF, taas oo muujinaysa in Dowladda Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka gaartay hannaanka dib-u-eegista 5-aad ee Barnaamijka deyn-cafinta Soomaaliya, warbixintaan ayaa soo baxday kaddib shirar ka -fool- ka -fool ah iyo kuwo foggaan arag ah oo aan yeelanay Hey’adda IMF iyo Bangiga Adduunka.

Dowladda Soomaaliya Waxaa ka go’an ka miro-dhalinta hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda iyo dhaqaalaha dalkeenna tan iyo inta laga gaarayo Barta_Kama_Dambeysta ah ee Deyn-Cafinta oo aan dhawaan rajo wanaagsan ka qabno in aan gaarno”. Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Dr. Cilmi M. Nuur.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan filaysa in ay gaarto barta loogu magac daray “kama dambeysta” oo ah halka lagu gaari doono deyn cafis dhameystiran.

Goobjoog News