U bood dhigaalka

Hey’adda Maareynta Musiibooyinka Gargaar Kala Wareegtay Sucuudiga

Sheeko:Dalka
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SoDMa Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle ayaa Maanta Dowladda sacuudiga si gaar ah Safiir ku xigeenka dowladda sacuudiga u fadhiya Muqdisho kala wareegay Shixnad mucaawino ah oo loogu talagalay in la gaarsiyo Shacabka Soomaaliyed xilli lagu guda jiro maalmihii u danbeeyey bisha barakaysan ee Ramadaan.
Shixnadaan mucaawinada ah ayaa sida qorshuhu yahay waxaa lagu wadaa in la gaarsiiyo shacabka Soomaaliyed ee danta yar waxaana intaa kadib guddoomiye maxamuud iyo ku xigeenkiisa Axmed Cabdi Aadan waxa ay kulan la qateen wafdigaan sare ee ka socday dowladda sacuudiga iyo hay,adda gargaarka iyo arimaha bin,aadanimada u qaabilsan sacuudiga ee kin Salmaan oo maanta Booqashada ku soo gaaray xarunta dhexe ee SoDMa.
Kulanka ayaa inta uu socday waxaa looga hadlay xaalada arrimaha bin’aadanimada ee dalka iyo laba jibaarida gurmadka ay dowladda sacuudiga la garab taagantahay dowladda iyo shacabka soomaaliyeed. kulan ayaana ku soo dhamaaday isfahan iyo in la dardadgaliyo howlaha gurmadka loo sameynaayo shacabka soomaaliyed ee abaaraha iyo colaadaha ay daashadeen.
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SoDMa Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle ayaa kaga mahadceliyey gargaarkaan dowladda Sacuudiga Isaga oo xusay in gargarakan kan lamid ah hore sacuudiga uu ugu deeqay dalkeena . Sacuudiga ayaa kamid ah dalalka Carabta ee Marwalba garab taagan dadkeena iyo Shacabka Soomaaliyeed.
Goobjoog News