U bood dhigaalka

Hey’adda Maareynta Musiibooyinka iyo Hirshabeelle oo Ka Wadahadlay Fatahaadaha

Sheeko:Dalka

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Goboleedka Hirshabelle Mudane Yusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa  Booqday Xarunta Dhexe ee SoDMA,waxaana halkaas ku soodhaweeyey Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle iyo Gudoomiye ku xigeenka hay’adda SoDMA Dr Axmed Cabdi Aadan.

Madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta ayaa kawada hadlay Xaalada Magaalada Baladweyne iyo fatahaada ku dhuftay Magaalada Baladwayne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Madaxda hay’adda SoDMA ayaa ballan qaaday in taageero deg deg ah lala gaari doonaan dadka ka barakacay Fatahaadaha ku dhuftay Baladwayne, Sidoo kale Madaxda ayaa intaas raaciyay in diriyaan guddi horu dhac oo sii qiimeeya xaaladda meesha ka taagan.

Madaxwayne Yusuf Dabageed ayaa Madaxda hay’adda Maaraynta kaga mahadceliyay isku hawlidda iyo xal uhelidda dhibaatada ka taagan halkaas iyo soo laablaabashada fataahadaha mar walba ka dhaca magaalada Baladweyne iyo deegaannada kale ee Hishabeelle

Magaalooyinka Baladweyne  iyo Jowhar ee gonollada Hiiraaan iyo Shabeellaha dhexe waxaa ka dhacay Fatahaado uu sameeyay Wabiga Shabeelle, kuwaas oo khasaare u geystay dadka Shacabka ah iyo sidoo kale dhul beer eedo ay biyuhu la tageen, waxaana jira in ay dad badan ka barakaceen xaafadaha qaar, kuwaas oo wajahay xaalad adag oo dhanka nolosha ah

Goobjoog News