U bood dhigaalka

Hey’adda Maareynta Musiibooyinka oo Gargaar Macaawino ah u Dirtay Magaalada Baladweyne

Sheeko:Dalka

Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA ayaa caawa Gaadiid wada deeq Mucaawino ah u dirtay Magaalada Baaldweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan kadib fatahaad uu halkaas ka sameeyey Wabiga Shabelle oo saameyn ba’an ku yeeshay bulshada magaalada.

Gadiidka la diray ayaa gaaraya 50 Gadiid ah oo awad shixnad gargaar ah oo iskugu jirta daawo iyo raashinka qeybhiisa kala duwan,waxaana safar dhanka dhulka ah ku tagi donaan Magaalada Baladweyne, waxaana sida ugu dhaqsiyaha badan loo gaarsiin doonaa dadka u baahi qaba.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macalim Abdulle ,wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Federalka Soomaaliya  ayaa gaadiidkaan ka sagootiyey Magaalada muqdisho, waxaana ay gaari doonaan magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan.

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa dhowaan ku dhuftay fatahaad uu sameeyay Wabiga Shabeelle, taas oo keentay in ay ku barakacaan kumanaan Qoys, kuwaas oo deganaa magaalada, iyaga oo ku sugan deegaanka Ceeljaalle ee duleedka Baladweyne.

Goobjoog News