U bood dhigaalka

Hey’adda UNHCR Oo Sheegtay in Soomaaliya ay Galeen Qoxooti Badan

Sheeko:Dalka

Hey-adda Qaramada Midoobey u qaabilsan qoxootiga ee magaceeda loo soo gaabiyo UNHCR ayaa shaacisay in Soomaaliya ay galeen qaxooti aad u badan kuwaas oo magan-galyo ka raadsaday, dalkaan dhaca geeska afrika, tirada ayaa gaareysa 24 kun oo ruux.

Warbixinta ay soo saartay hey’adda ayaa lagu sheegay in qaxootiga ay kasoo baro kaceen wadamada Itoobiya, Yemen iyo Suuriya.

UNHCR ayaa sidoo kale waxay sheegtay in qaxootigan ay ku nool-yihiin gobalada waqooyi galbeed, Bari iyo gobalka Banaadir.

Dhanka Kale qaxooti Soomaali ah oo gaaraya ku dhawaad 100-kun ayaa dib ugu laabtay gudaha dalkooda 6-dii sanno ee lasoo dhaafay sida ay qortay UNHCR.

Goobjoog News