U bood dhigaalka

Hey’ado iyo Mas’uuliyiin Uga Digay Xukuumadda Kheyre Faragelinta Doorashada Galmudug

Sheeko:Dalka

Tan iyo markii uu soo baxay war murtiyeedkii shirka dib u heshiisiinta Galmudug, laguna xusay in dowladda la kali noqotay sameynta habraacyo iyo shuruudo adag oo loo maro soo xulista xildhibaannada golaha wakiilada Galmudug iyo doorashooyinka guddoonka golaha wakiilada, madaxweynaha iyo ku-xigeenka, waxaa soo baxay cabashooyinka ka mid hey’ado iyo mas’uuliyiin kala duwan.

Xisbiyada siyaasadda ee dalka ka jira ayaa walaac xoogan ka muujiyey qodobadaasi. Xisbiyada oo si wadajir ah u soo saaray war saxaafadeed ayaa si weyn u dhaliilay qodobada qaar ee ku jira war murtiyeedkii soo baxay shirkii ku soo idlaaday Dhuusamareeb, kaas oo dowladdu ku sheegtay in ayadu ay soo dhisayso guddiga farsamada ee maamul dhisidda Galmudug isla markaana dowladda federaalka ay sameyso shuruudo iyo habraacyada doorashada.

Xisbiyada siyaasadda ayaa sheegay in qodobkaas iyo qodobo kale oo ku jira war murtiyeedkii soo baxay ay khilaafsan yihiin hanaanka federaalka, waxaa ayna ka digeen in doorashada dowlad gobaleedka Galmudug la afduubo.

Xisbiyada ayaa soo-jeediyey in maamulka Galmudug loo daayo soo xulista guddiga doorashada, in guddiga lagu soo xulo karti iyo hufnaan iyo isla guddigaas loo madaxbaneeyo habraaca iyo shuruudaha soo xulista xildhibaannada, laakin sida muuqato dalabkaasi waxbo lagama qaban.

Dhinaca kale, sababo arrinkaasi la xiriira, wasiir ku xigeenka xanaanada xoolaha iyo dhirta iyo daaqa xukuumadda federaalka ee Soomaaliya Cabdikarim Khaliif  Dhalac ayaa xalay ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkiisi uu ka haayay xukuumadda Xasan Cali Kheyre.

Qoraal uu bartiisa Facebook ku soo qoray ayuu sababta uu isku casilay ku shheegay inuu ku qanci waayay faragelinta ay dowladda Federaalka ku heyso maamulka Galmudug, isla markaana habka maamul u saameynta ay u wado uu yahay mid baal marsan rabitaanka dadka reer Galmudug iyo dastuurka dalka u yaalla.

Cabdikarim Khaliif  Dhalac oo ka hadlayey sababta ayaa yiri “Waxaan ku qanci waayey faragelinta dowladda dowladdu ku heyso dowlad gobaleedyada dalka ka jira, gaar ahaan maamulka Galmudug oo hadda ay ka socoto qaban qaabo maamul u sameyn baal marsan rabitaanka dadka reer Galmudug iyo dastuurka dalka u yaalla, taas oo keeni karta dib u dhac siyaasadeed, dhaqaale amni iyo horumarineed, sidoo kale waxaa ay keeni kartaa kala fogaanshaha labadii gobal ee ku midoobey Galmudug.”

Goobjoog News