U bood dhigaalka

Hiiraan: Ciidamada Xoogga Dalka Oo Furaya Waddooyinka Gala Buuloburde

Sheeko:Dalka

Taliska ciidanka xoogga dalka ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in dhowaan ay furi doonaan waddooyinka gala degmada Buuloburde oo u xiran Al-shabaab.

Afar Sano oo ay xirnaayeen waddooyinkaan,  taliskan wuxuu sheegayaa iney shacabka Buuloburde ka qaadi doonaan go’doonka ay ku jiraan.

Taliyaha guutada Shanaad ee ciidanka Xoogga dalka, G/sare Faarax Kooshin oo meel fagaare ah kula hadlay shacabka Buuloburde ayaa sheegay in maalmaha soo aadan ay furi doonaan waddooyinka xiran, shacabkana ay si xor ah ku mari doonaan deegaannada kale ee degmadaasi hoostaga.

“Waxaad ku bishaareysataan in aan sida ugu dhaqsiyaha badan kaga xoroobi doontaan gacanta nabad diidka, waddooyinka xiran waa la furayaa, nabadna waad ku socon doontaan” ayuu yiri taliyaha.

Dhanka kale, shacabka ku dhaqan magaalada Buuloburde ayaa ka dalbaday dowladda Federaalka Soomaaliya iyo AMISOM in loo furo waddooyinka si ay ugu suurtagasho iney u shaqo tagaan beerahooda iyo deegaannada kale ee Hiiraan.

Goobjoog News