U bood dhigaalka

Hiiraan: Dabageed oo Diiday Inuu Xilka Wareejiyo iyo Ninkii Lagu Badalay Oo Baladweyn Dhinac Ka Jooga

Sheeko:Dalka

Waxaa uu qas iyo jahwareer ka jiraa gudaha magaalada Baladweyn ee gobolka Hiiraan kadib markii uu diiday Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) inuu wareejiyo xilka guddoomiyaha gobolka  kaas uu sabtidii ka qaaday madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Waare.

Weriyaha Goobjoog News ee gobolka Hiiraan waxaa uu sheegayaa in Cali Maxamed Caraale oo ah ninka cusub ee uu Mr. Waare u magacaabay guddoomiyaha gobolka Hiiraan dhinac ka joogo magaalada Baladweyn, weliba ay isaga iyo Dabageed wada joogaan hal xarun, laakin ninka dambe uu diidanyahay inuu xilka wareejiyo, xoogna sheeganayo.

Yuusuf Dabageed ayaa inta aan xilka laga qaadin, waxaa uu ku sheegay shir jaraa’id uu qabtay Jimcihii in aanu aqoonsaneyn maamulka Hirshabelle ee Waare, isla markaana haddii xilka laga qaadao aanu wareeji-doonin, isaga oo intaasi ku daray in Waare aanu shaqo ku laheyn arrimaha gobolka Hiiraan.

Dhinaca kale, maamulka Hiiraan marka laga reebo Dabageed inta kale waxaa ay sheegeen inay hoos tagaan Hirshabelle iyo madaxweyne Waare, isla markaana ay lacagta ka soo xaroota gobolka ku shubeen akoon uu maamulku leeyahay.

Gobolka Hiiraan oo dhaca bartamaha Soomaaliya, waxaa ka soo xaroota canshuur badan, sida ay noo xaqiijiyeen hey’adaha maaliyadda gobolka, oo tusaale ahaan $10 kun oo Dollar waxaa ay maalintii ka soo xarootaa lacagta laga qaado waddooyinka, iska daa lacagaha kale ee dowladda hoosee, taasi oo la sheegayo in si qaldan loo maamuli jiray.

Ilo lagu kalsoonyahay ayaan Goobjoog News u xaqiijiyey in ciidamo daacad u ah, guddomiyihii gobalka Hiiraan Yusuf Axmed Hagar (Dabageed) aay la wareegeen qeybo kamid ah kastanada canshuurta uu maamulka gobalka Hiiraan ku qaado.

Waxgarad ka tirsan gobolka Hiiraan oo shalay kulan ku yeeshay magaalada Baladweyn ayaa ku kala qeybsamay arrinta maamulka Gobolka Hiiraan, iyaga oo la kala saftay Dabageed iyo Caraale.

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan Cali Maxamed Caraale, waxaa uu horay u ahaa la-taliyaha xagga amniga ee Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Waare, waxaana la filayaa iney wadashaqeyn dhow yeelan karaan haddii lagu guuleysto in xal loo helo arrinta Yuusuf dabageed.

Goobjoog News