U bood dhigaalka

Hiiraan: Maxkamadda Ciidamada Oo Xukuntay Saddex Ruux

Sheeko:Dalka

Maxkamadda ciidamada qalabka sida qeybta gobolka Hiiraan ayaa xukunno kala duwan ku riddey Saddex dhallinyaro ah oo lagu eedeeyay iney geysteen falal burcadnimo ah,  kuwaasi oo lagu soo qabtay howlgal ay ciidanka ka sameeyeen deegaanno hoostaga magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

C/casiis Cabdulle Xasan, guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee gobolka Hiiraan oo ku dhowaaqay xukunka dhallinyaradan ayaa sheegay in ay dhac ku hayeen dadka safarka ah ee kusoo wajahan B/weyne.

Ragga la xukumay ayaa mid kamid ah wuxuu ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka, halka Labada kalena ay ahaayeen Shacab, waxaana magacyadooda kala yihiin.

Ex-Dable xoogga C/salaan Yuusuf Maxamuud oo lagu xukumay 5 sano oo xabsi ciidan ah.

Bashiir Maxamed Nabadey 5 Sano oo xabsi ciidan ah.

Shuceyb Cabey Cumar 1 sano oo xabsi ciidan ah.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dhammaantood lagu helay caddeymo dambiyadii ay galeen, waxaana uu tilmaamay xukunkaasi ciddii aan ku qanacsaneen ay racfaan ka qaadan karto.

Ugu dambeyn Maxamed C/qaadir Maxamed, Xeer Ilaaliyaha maxkamaddan ayaa sheegay in cid walbo oo dambi gasha cadaaladda la horkeeni doono, lagana qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

Goobjoog News