U bood dhigaalka

Hiiraan: Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Oo Xukuntay Rag Ka Tirsan Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Maxkamadda ciidamada qalabka sida qeybteeda 27-aad ee gobolka Hiiraanayaa waxay xukun ku riddey Saddex qof oo ku eedeysnaa Al-shabaabnimo iyo iney galeen dambiyo kala duwan.

C/casiis C/laahi Xasan oo xukunka ku dhowaaqayey ayaa sheegay in ugu horreyn ay maxkamaddu 8 sano ku xukuntay Shariif Macallin Xasan oo lagu eedeeyay inuu Bam ku tuuray ciidamo ka tirsan xoogga dalka, taasi oo aan wax khasaare ah geysan.

Sidoo kale, maxkamadda ayaa xukun ku riddey Raaxo Abukar Deexey oo maqane ah iyo C/naasir Muxumad Maxamed oo isna maqane ah, laguna eedeeyay iney Al-shabaab u gudbin jireen walxaha qarxa, una kala gudbin jireen gobollada dhexe iyo Puntland ayaa waxay ku xukuntay 15 sano oo xabsi ciidan ah.

Maxkamadda ayaa waxay dhanka kale xukun ku riddey C/laahi Suldaan Maxamuud oo lagu eedeeyay inuu ka tirsan yahay Al-shabaab, horey u gowracay Saddex qof, sidoo kalena ka qeybgalay Labo dagaal, ayaa waxay ku xukuntay xabsi daa’in.

Ugu dambeyn, guddoomiye C/laahi ayaa sheegay in cid walbo oo aan ku qanacsaneyn xukunkaan u furan tahay racfaan.

Goobjoog News