U bood dhigaalka

Hirshaballe: Xildhibaannada Oo Ku Kala Aragti Duwan Meelmarinta Wasiirada Cusub

Sheeko:Dalka

Xildhibaannada baarlamaanka maamulka Hirshabelle ayaa si aad ah ugu kala duwan aragti sidii codka kalsoonida ah loo siin lahaa golaha wasiirada ee uu soo dhisay madaxweyne Waare.

Qaar kamid ah xildhibaannadan ayaa sheegay in uu jabay qodob dastuuri ah, islamarkaana la doonayo in dib loo soo magacaabo wasiirada, madaxweynahana laga doonayo inuu horyimaado baarlamaanka Hirshabelle.

Xildhibaan Nuur Xaashi oo kamid ah mudanayaasha baarlamaanka Hirshabelle ayaa Goobjoog u sheegay in madaxweyne Waare uu lumiyey waqti badan, islamarkaana mar hore uu ka dhammaaday waqtigii Dastuurka maamulkaasi qabay.

“Kolley waqtiga waa uu dhammaaday, qodob dastuuri ah ayaa jaban, waxaa loo baahan yahay in madaxweynaha horyimaado baarlamaanka, waqti dalbado, xukuumadna soo dhiso” ayuu yiri xildhibaan Nuur.

Dhanka kale, xildhibaan CUmar Gaabow ayaa isna qaba in xildhibaannada baarlamaanka maamulka Hirshabelle laga doonayo iney meelmariyaan wasiirada cusub ee Hirshabelle, wuxuuna tilmaamay in aan waqti kale la lumin oo la eego danta shacabka maamulkaasi.

Madaxweyne Waare ayaa waday Labadii maalin ee ugu dambeysay kulamo kala duwan oo uu la qaadanayey xildhibaannada Hirshabelle si ay codka kalsoonida ah u siiyaan golahiisa wasiirada.

Goobjoog News