U bood dhigaalka

Hirshabelle: 200 Booliis Ah Oo Tababar Loo Furay (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Maamulka Hirshabelle ayaa tababar u furay 200 ciidan Booliis ah, kuwaasi oo ka mid noqonaya maamulkaasi, waxaana tababarkan uu ka furmay magaalada Jowhar.

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle, Cali Guudlaawe ayaa tababarkaan furay, wuxuuna sheegay in tababarkan yahay midkii ugu horreeyey oo Hirshabelle ah.

Waxa uu tilmaamay madaxweynaha in sanadkaan loo ogolaaday in Hirshabelle loo tababaro Kun askari oo ciidamada Booliiska ah, wuxuuna kula dardaarmay ciidankaan la tababarayo iney dulqaadaan oo si buuxda usoo tababartaan.

Waa dufcaddii ugu horeysay ee Booliis ah, loona tababaro maamulka Hirshabelle.

Halkaan hoose ka dhageyso

Goobjoog News