U bood dhigaalka

Hirshabelle: Ma Aqbaleyno Iney Maqnaato Xuquuqda Banaadir

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa sheegay in ka maamul ahaan aysan aqbali doonin in gobolka Banaadir uu  xuquuq la’aan noqdo.

Waxa uu sheegay in ka maamul ahaan ay aad u jeclaan lahaayeen in Xubnaha aqalka sare ay ka dhex muuqdaan xubno matalaya gobolka Banaadir.

Wuxuu sheegay Madaxweynaha in xubnaha Hirshabelle ee aqalka sare ay dhankooda ku dedaali doonaan iney u doodaan xuquuqda ka maqan gobolka waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Guddoomiyaha gobolka Banaadir waxaan u sheegeynaa xuquuqda kaa maqan Senator-dii u doodi lahaa inaan kuu keennay, gobolka Banaadir masii dulmanaan doonto, Hirshabelle ma yeeli doonto iney maqnaato xuquuqdii ay lahaayeen walaalahooda gobolka Banaadir” ayuu yiri Guddoomiyaha.

Gobolka Banaadir ayaan weli la caddeyn maqaamkiisa, sidoo kalena gobolka xubno kuma lahan aqalka sare ee dalka.

Goobjoog News