U bood dhigaalka

Hirshabelle: Wasiir Sheegay In Ciidamada Itoobiya Dileen 15 Ruux Oo Shacab Ah

Sheeko:Dalka

Wasiirka wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta ee maamulka Hirshabelle C/laahi Cadow ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ay dad shacab h ku dileen deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan, isagoo tilmaamay in ka maamul ahaan aanay arrintaan u dulqaadan doonin.

Wasiir Caddow oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in ciidamadan ay siyaabo kala duwan dadkaan ugu dileen deegaannada Beerxaano, Garisyaani iyo Halgan, dadka la dilayna wuxuu tilmaamay iney ku jiraan Oday 80 sano  jir ah iyo wiilkiisa.

“Tacsi ayaan u direynaa dadkii la dilay, waxaan nahay dadkaan kuwii wax u qaban lahaa ee matalayay, uma dulqaadan doonno dhibaatada lagu shacabka Hirshabelle gaar ahaan kuwa Hiiraan, ciidama Itoobiya waxay dileen dad ka badan 15, waxaa dadka ku jirey Oday 80 sano jir ah iyo wiilkiisa, ma ahan haddii Miino kaa ag qaraxdo inaad shacabka layso, haddii aan nahay maamulka Hirshabelle xukumad iyo baarlamaanka shir degdeg ah ayaan arrintaan ka yeelaneynaa” ayuu yiri wasiirka.

Ugu dambeyn Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta maamulka Hirshabelle ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay arrintan kala hadli doonaan dowladda Itoobiya iyo sidoo kale cid walba oo wax ka qaban karta.

Todobaadkii tagay ciidamada Itoobiya ayaa shacab ku dilay deegaanno kamid ah gobolka Hiiraan, xilli ciidankaan ay howlgallo ka wadaan gobolkaasi.

Goobjoog News