U bood dhigaalka

Hobiyaayal Lagu Garaacay Dhuusamareeb iyo Maamulka Galmudug Oo Ka Hadlay

Sheeko:Dalka

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya Hoobiyayaal xalay lagu garaacay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad gobaleedka Galmudug .

Garoonka diyaaradaha ee Dhuusamareeb ayaa xalay lagu garacay tira Hoobiyayal ah , xilli magaalada ay ku sugan yihiin madaxweeynaha dalka Farmaajo, Ra’iisul wasaare Rooble iyo xubna ka tirsan madaxda Maamul gobaleedyada dalka .

Bashiir Maxamed Salaad Sanka  Afhayeenka Maamulka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay  in ciidmada Galmudug ay ka jawaabeen hoobiyayaal xalay ururka Al shabab ay ku soo tuureen magaalada .

Qoora uu soo dhjigay bartiisa Facebook ayuu ku afhayeenka ku yiri “Ciidamada Qalabka sida ayaa si heer sare ah kaga jawaabay dhowr hoobiye oo xalay kooxda  Alshabaab kusoo tuurtay Dhuusamareeb.Waxaana ciidanka suurto gashay inay qaar laayaan ,qaarna iyaga oo dhaawaca qabtaan miliishiyaadkii sootuuray madaaficda,sidoo kale waxay gacanta kudhigeen Hoobiyihii ay magaalada kusoo garaaceen iyo qoryahoodii ayuu yiri” .

Si kastaba magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug ayaa waxaa maanta ka furmaya shirka wada tashiga dowladda Federaalka iyo dowladaha Xubnaha ka ah .