U bood dhigaalka

Hoos u Dhac Ku Yimid Qiimaha La Kala Siisto Xoolaha Nool Ee Suuqayada Degmada Maxaas, Hiiraan

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in hoos u dhac aan horey loo arag ku yimid qiimaha la kala siisto xoolaha nool ee suuqayada degmadaasi.

Guddoomiyaha Maxaas, Maxamed Cabdi Cawaale oo wareysii siiyey Goobjoog News, ayaa sheegay in shilin Soomaaligii la waayay uu sabab u noqday in dadka xoolaleyda ah aysan suuq wanaagsan u helin xoolahooda.

Wuxuu sheegay in neefkii Ariga ee la iibin jiray 100 doolarka Maraykanka aan hadda lagu heleyn 20 doolar.

“Xoolo dhaqatadii hadda suuq wanaagsan ma helaan, ninka xoolaha ku nool wuxuu heli jiray lacag uu raashiinka uu rabo ku iibsado, laakiinse hadda waxaa muuqda in aysanba jirin dhaqaalahaasi, neefkii ariga 100-ka doolar joogay hadda laguma helayo 20 doolar xitaa, sababtuna waa lacagta shilin Soomaaliga ah oo aan ka shaqeyneyn degmada” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Maxaas.

Suuqyada degmada Maxaas ayaan wax lagu kala iibsan lacagta shilin Soomaaliga ah, waxaana la adeegsadaa oo kaliya lacagta doolarka, waana midda keentay in qiimo dhac ku yimaado xoolaha nool ee degmadaasi.

Goobjoog News