U bood dhigaalka

Hooyo iyo Carruur Gaajo Ugu Dhimatay Gobalka Bakool

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaarayo deegaanka Rabdhuure oo hoostaga gobalka Bakool ayaa sheegaya in deegaanka ay gaajo iyo harraad ugu dhinteen saddex qof.

Dadka dhintay ayaa la sheegay in ay kala ahaayeen Hooyo iyo laba carruur ah, waxaana wararka ay sheegayaan in ay u geeriyoodeen Gaajo daran oo soo foodsaartay.

Hooyada dhimatay ayaa la sheegay in ay aheyd mid xaamilo ah, waxaana ay u geeriyootay Gaajo daran oo soo foodsaartay xilli ay ku hanti beeshay.

Dhimashada saddexda qof ayaa dhacday todobaadyadii la soo dhaafay, xilli aanan weli maamulka gobalka Bakool aysan ka hadlin.

Waxaa guud ahaan gobalada dalka ay dadku hadda wajahayaan abaar baahsan oo ku dhufatay dalka, xilli gobalada qaar ay sidoo kale jiraan in ay dadka ku dhinteen abarta.

Goobjoog News