U bood dhigaalka

Hormuud Salaam Foundation Oo Maanta Daahfurtey Mashruuca Taakuleynta iyo Afurinta ee Bisha Barakeeysan ee Ramadaan 2022

Sheeko:Dalka

Munaasabad lagu daah furayey Mashruuca Taakuleynta iyo Afurinta ee qeybaha nugul ee bulshada Soomaaliyeed ayaa maanta lagu qabtay xarunta Hormuud Salaam Foundation ee Magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Homruud Salaam Foundation, Mudane Abdullahi Nur Osman, ayaa sheegey in barnaamijkaan Taakuleynta iyo Afurinta, uu yahay barnaamij ay sanad kastaa qabato Hormuud Salaam Foundation, mar kastaa oo ay soo galeeyso bisha Barakeeysan ee Ramadaan si aan ugu caawino inta u baahan caawinta ee ka midka ah dadkeena Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha waxaa uu sheegey in qeybo ka mid ah, Naafada, Agoonta, Haweenka danyarta, Maxaabiista Xabsiga dhexe, Naafada Ciidanka Xooga Dalka, Dadka Dhimirka ka xanuunsan ee ku xareeyson xarumaha caafimaadka, Dadka la xanuun Juudaanka, Qaxootiga Yamaniyiinta iyo in badan oo ka mid ah dadka nugul, ay gaarsiin doonaan Taakuleynta iyo Gargaarka.

Gudoomiyaha waxaa uu sheegey HSF ay mar walbaa garab taagan tahay dadka Soomaaliyeed, mar kastaa iyo marxalad kastaa oo duruuf adag lasoo gudboonaato, iyadoo haatan wadanka ay ka jirto abaar ku yeelatay Saameeyn aad iyo aad u ballaaran nolosha in badan oo ka mid ah dadka Soomaaliyeed,

waxaana uu sheegey in dhaqaale ay ganacsatada u uruurinayeen dadkaa ay abaaraha ku dhufteen, ay Hormuud Telecom, noqotey shirkada kaliya ee ilaa iyo hada wada bixisay lacagtii la qeybsaday marka loo fiiriyo dhammaan shirkadaha kale, waxaana uu ugu baaqay Ganacsatada Soomaaliyeed iyo dadka Soomaaliyeed dal iyo dibadba ineey u istaagaan sidii loo caawin lahaa dadkeenaa ay abaaraha sameeyeen, iyo kuwa u baahan in la caawiyo, maadaama ay fooda nagu soo heeyso bishii Barakeysneyd ee Ramadaan.

Ugu danbeyntii mashruuca Bisha Ramadaan ay ku bixin doonaan lacag dhan $300,000 ( sadex boqol oo kun dollar ), sidoo kalena ay wadanka  keeneen 8 konteeynar oo timir ah oo loo qeybinayo dadka Soomaaliyeed ee u baahan Caawinta.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada