U bood dhigaalka

Hormuud Salaam Foundation oo deeq lacag ah gaarsiiyay Haween danyara.

Sheeko:Dalka

Maanta oo ah Maalinta Koowaad ee Bisha Barakeysan ee ramadaan, ayaa Hay’ada Hormuud Salaam Foundation deeq lacageed waxa ay gaarsiisay qoysas danyar ah oo ay ku jiraan dad qaba baahiyaha gaarka ah.
140 haween danyar ah ayaa ka faa’ideystay deeq lacageed oo Hey’adda Samafalka Hormuud Salaam Foundation ay gaarsiiyeen, iyadoo munaasabada lagu qeybinayay deeqdan ay soo qaban qaabisay Guddoomiyaha Haweenka Gobolka banaadir Jawaahir Baarqab.
Gudoomiye ku xigeenka Hay’ada Hormuud Salaam Foundation Cabdiraxmaan Ibrahim Cilmi ayaa sheegay in deeqdan ay qeyb ka tahay Barnaamijka Taakuleynta iyo Afutinta ee bisha barakeysan ee Ramadaan.
Gudoomiyaha Haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab oo ahayd usu duwaha dadkan danta yar ayaa kaga mahad celisay hay’ada hormuud Salaam Foundation gacanta bani aadanimo oo ay u fidisay dadkan u badan naafada.
qaar ka mid ah dadkii ka faa’ideestay deeqdaan lacageed ayaa u mahadceliyay hay’ada iyaga oo u duceeyay.
Barnaamijka lagu taakuleynayo dadka danta yar ayaa Hormuud Salaam Foundation waxaa maalmihii la soo dhaafay ay ka wadeen gudaha Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho, waxaana ay ka faa’iideysteen dad aad u fara badan, iyadoo madaxda hay’ada ay balanqaadeen in ay sii laba jibaari doonaan wax u qabashada dadka danta yar.