U bood dhigaalka

Howlgal Ka Dhan Ah Hubka Sharci Darada Oo Laga Sameeyay Magaalada Baydhaba

Sheeko:Dalka

Ciidamada Booliiska, Nabad Sugidda iyo kuwa Daraawiishta ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta waxa ay magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Baay ka sameeyeen howlgal ballaaran oo lagu baadi goobayay hubka sharci darada ah ee lagu haysto magaaladaasi.

Sandheere Maxamed Iftin oo ah taliye ku xigeenka ciidamada Daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed ayaa u sheegay Goobjoog News, in howlgalkaan uu ahaa mid amniga wax looga qabanayay sidoo kalena lagu soo qabtay hub badan oo sharci darro ah.

Ciidamadaan ayaa isku gadaamay inta howlgalka uu socday xaafadda Isha oo ka mid ah xaafadaha Baydhaba, islamarkaana waxa uu tilmaamay ciidamada in hubkii ay soo qabteen lagu wareejiyay Taliska Booliiska gobalka Baay.

Dhinaca kale Taliye Ku xigeenka ciidamada Daraawiishta Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in lasii xoojin doono howlgalada sidaan oo kale si loo helo amni iyo kala dambeyn.

“Howlgalkaan waxaa iska kaashanayay maanta ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed, Booliiska iyo Nabad sugidda, waxaan soo qabanay hub shareci darro ah oo xaafadaha yaallay, mana jirto cid aan soo xirnay, waxaana qeyb uu ka yahay howlgalada amniga lagu sugayo” ayuu yiri Taliye ku xigeenka.

Magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Baay waxaa maalmihii ugu dambeeyay ay ciidamada amniga ka wadeen howlgallo, maadaama amni darada ay kusoo badatay magaaladaasi.

Goobjoog News