U bood dhigaalka

ICJ Oo Laga Yaabo Iney Mar Kale Dib u Dhigto Dhageysiga Dacwada Badda

Sheeko:Dalka

Dowladda Soomaaliya  ayaa mar kale si cad u diiday in dib loo dhigo codsi ay Kenya u gudbisay maxkamadda cadliga adduunka ee  ICJ kaas oo ah in dhageysiga dacwada badda la dib dhigo ilaa September 2020.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed khadar oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay si cad u diiday in mar kale dib loo dhigo dhageysiga ugu danbeeya ee la wada sugayo ee Maxkamada ka dib markii dowladda kenya ay dalbatay in dib loogu dhigo mudo 12-bilood ah.

Mid ka mid ah mas’uuliyiinta Soomaaliyeed ee ku dhow kiiska badda, oo codsaday in magaciisa la qariyo oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegaya in hadda  maalmaha soo socda la sugayo go’aanka maxkamadda ICJ ee ku aadan codsiga dib u dhigista Kenya iyo diidmada Soomaaliya, isaga oo intaasi ku daray in haddii ay dhacdo in maxkamadda ay wax ku dareyso ay ku dari doonto bilo kooban, oo ah inta u dhaxeysa December 2019-May 2020.

Maxkmadda ayaa horay u balimsay dhageysiga dacwada badda November 4, 2019 laakin kadib codsigan cusub ee Kenya ayaa laga yaabaa iney mar kale dib u dhigis sameyso arrintaas oo muujineysa cabsida Kenyaanka ay ka qabaan maxkamadda iyo kalsoonida umadda Soomaaliyeed ee ah in maxkamadda lagu kala baxo.

Goobjoog News