U bood dhigaalka

Ilaalada Iyo Darawalada Goobaha Waxbarashada Ee Berbera Oo Mushaar La’aan Ka Cabanaya

Sheeko:Dalka

Ilaalada Iyo Dawaralada ka shaqeeya goobahada Waxbarashada ee ku yaalla magaalada Berbera ayaa ka cabanaya mushaar la’aan baahsan oo soo wajahday, iyaga oo qarash badan sheegay in uu ka maqan yahay.

Dadka cabashada qaba ayaa tagay xafiiska gudoomiyaha magaaladaasi, si wax looga qabto cabashadooda, hase ahaatee ay mas’uulkaasi iyo mas’uuliyiintii kale ee ay u socdeen waayeen.

Waxa ay dadkani sidoo kale sheegeen in qarash la’aantaan ay soo wajahday ka dib markii dowladda hoose loo soo wareejiyay mushaarkooda.

“Anaga markii hore si caadi ah baan u qaadaneynay mushaarkeena, laakiinse markii dowladda hoose, naloo soo wareejiyay ayeey dhibaatadu timaaday, Bilo ayaa la’is gaarsiin, hadana hal bil oo kaliya ayaa qarashkeeda la bixinayaa, hadda waxaa naga maqan Sanad iyo Bar mushaarkii aynu lahayn” sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah Ilaalada Iskuulada Berbera ku yaalla.

Maamulka magaalada Berbera iyo dowladda hoose ee magaaladaasi weli wax war ah kama aanay soo saarin cabashada ay qabaan dadkani.

Goobjoog News