U bood dhigaalka

IMF oo dalka Sri Lanka siinaysa $3 Bilyan

Sheeko:Dalka

Hay’adda lacagta adduunka ee IMF, ayaa ugu deeqday ku dhawaad $3 bilyan oo dolar dalka Sri Lanka, si wax looga qabto xaaladda dhaqaalaha iyo sicir bararka ka jira dalkaas.

Sri Lanka ayaa dhawaan xukunka ka tuuray madaxdii ugu sareysay dalkaas, kadib markii ay ku fashilmeen wax qabashada dhaqaallo xumo baahsan oo uu dalkaas la daala dhacayay.

IMF ayaa shaacisay in ay bangiga dowladda Sri Lanka, ay ku soo shubtay $2.9 bilyan oo ah lacagta dolarka maraykanka, si wax loogu qabto dalkaasi dhaca koonfurta Asia.

Lacagtaan ayaa laga rabaa in dalka uu dib u sooceliyo afar sano gudahood, haddana ay maamulka cusub ee dalkaas ay wax kaga qabtaan sicirka maciishadda iyo nolosha oo cirka isku shareeray.

Sri lanka, waxaa lagu leeyahay lacag gaareysa  $51 Bilyan dolar, taas oo inkabadan kala bar laga rabo in ay soo celiso marka la gaaro sanadka 2028.

Goobjoog News