U bood dhigaalka

Imise Lacag Ayaa Maalintii Ku Baxda Ololaha Nadaafadda B/weyne?

Sheeko:Dalka

Magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa ka bilaabatay olole nadaafadeed, waxaana howlahan ay ka socdaan dhammaan 4-ta xaafadood ee magaaladaasi.

C/risaaq Cali, xoghaya dowladda hoose ee B/weyne ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News, wuxuu faah faahin kaga bixiyey ololahan iyo sida ay wax u wadaan.

Waxa uu tilmaamay in dadka hadda nadaafadda wada ay yihiin kuwo maamulka uu qorey, lagana soo xulay xaafadaha B/weyne.

Isbedal badan oo dhanka nadaafadda ah ayuu sheegay in haatan laga dareemayo magaaladaasi.

Goobjoog ayaa weydiisay qarashka la siinayo dadka nadaafadda ka wada magaalada B/weyne, maalintii.

Wuxuu sheegay in xaafad walbo ay ka shaqeeyaan 30 qof, marka wadarta Afarta xaafadood la isku geeyana tahay 12, qofkii ayuu sheegay in maalin walbo la siiyo Labo doolar ($2), taa oo ka dhigan in qof walbo bishii la siiyo Lixdan Doolar ($60), isku guud ee nadaafadda B/weyne maalintii  lagu bixiyana waa Labo Boqol iyo Afartan Doolar ($240).

Dadka hadda nadaafadda ka shaqeeya ayaa u badan dad dan yar ah, waxaana ay ka rajeynayaan maamulka in qarash intaan ka badan ka helaan.

Goobjoog News