U bood dhigaalka

In Ka Badan 20 Qof Oo Cudurka Shuban Biyoodka Ugu Geeriyootay Gobolka Shabellaha Dhexe

Sheeko:Caafimaadka

Wararka ka imaanaya gobolka Shabellaha dhexe ayaa sheegaya in 24 qof ay ugu geeriyoodeen gobolkaasi cudurka Shuban Biyoodka sidoo kalena ay haatan la il daran yihiin dad gaaraya 88 qof.

Deegaannada cudurkaan uu ka dillaacay ayaa kala ah Maandheere, Bacaadley iyo sidoo kale deegaanka Daymo Same oo dhammaanba ka tirsan gobolka Shabellaha Dhexe.

18 qof ayaa ku dhimatay deegaanka Maandheere oo qiyaastii 15-km dhanka Koonfur Bari kaga beegan magaalada Jowhar, waxaana lala tacaalayaa 60 ruux oo cudurka shuban Biyoodka uu soo ritay.

Gudoomiyaha deegaankaasi Aweys Xasan Aadan oo la hadlay Goobjoog News ayaa xaqiijiyey geerida dadkani, waxaana uu tilmaamay in xaaladda ay aad uga dartay, lagana baqayo in shubanka dad kale ay u dhintaan.

Deegaanka Bacaadley oo duleedka ka ah degmada Jowhar waxaa isna lasoo sheegayaa inay ku dhinteen Laba ruux oo cudurka Shuban Biyoodka hayey, waxaana la il daran 18 kale.

Sidoo kale deegaanka Daymo-same waxaa ku geeriyootay 4 ruux, waxaana cudurka Shuban Biyoodka la jiifa 10 kale sida ay inoo xaqiijinayaan dadka deegaanka.

Dadka u dhintay cudurka Shuban Biyoodka iyo sidoo kale kuwa cudurkaasi la il daran waxaa lasoo sheegayaa inay u badan yihiin Caruur, mana jirto Isbitaallo si buuxda dadkani u daweyn kara oo ku yaalla deegaannadaasi.

Wariyaha Goobjoog News ee gobolka Shabellaha Dhexe Aadan Xuseen Daa’uud ayaa soo sheegaya in Hay’adda INTERSOS ay deegannadaasi ka furtay xarumo yar yar oo lagula tacaallo dadka uu hayo Cudurka Shuban Biyoodka.

Cudurkani ayaa yimid kadib markii Wabiga Shabelle uu biyo yareeyay, sidoo kalena biyaha ku haray wabigaasi ay isbedaleen muuqaal ahaan iyo dhadhan ahaan intaba, dadkana aysan ka maarmi karayn isticmaalka biyahani, iyadoo dhanka kalena xilli kuleylo lagu jiro.

Goobjoog News