U bood dhigaalka

Inta Badan Wadamada Muslimka ah oo Barri Laga Soomayo

Sheeko:Dalka

Waxaa maalinta barri ah laga soomayaa inta badan wadamada Muslimiinta, kuwaas oo caawa shaaciyey in barri oo Sabti ah ay tahay maalinta koowaad ee Bisha Barakaysan ee Ramadaan, waxaana laga tukaday Taraawiixda.

Wadanka Sucuudi Carabiya uu ku yaallo majidka Raxamka Shariifka ah ayaa ku dhawaaqay in ay arkeen bisha Ramadaan, waxaan sidoo kale laga soomayaa Imaaraadka Carabta iyo Qadar, kuwaas oo ku yaalla Jaziiral Carab.

Australia ayaa kamid goobaha laga iclaamiyey in maalinta barri ay tahay maalin soon ah, bisha Ramadaan ay tahay maalinta koowaad, waxaana taariikh miilaadigu ku beegan tahay 2 bisha Apriil 2022-ka maalin Sabti ah.

Marka laga hadlo gudaha dalka majiro war kasoo baxay dowladda wasaaradeeda Owqaafta iyo arrimaha diinta, mana jirin Salaadda Taraawiixda in la tukaday caawa, waxaana Puntland iyo Somaliland shaaciyeen inaan laga soomaynin maalinta barri  oo 30 Shacbaan la buuxinaayo, maadama aysan jirin meelo dalka kamida oo laga arkay

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada