U bood dhigaalka

IOM Oo Maanta Magaalada Boosaaso Ka Qaaday 120 Qof Oo Ka Mid Ah Dadkii Kasoo Cararay Dagaallada Yemen

Sheeko:Dalka

Hay’adda socdaalka aduunka IOM ayaa maanta magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka bari waxa ay ka qaaday 120 qof oo ka mid ah dadkii dhawaan kasoo cararay dagaallada ka socda dalka Yemen.

Dadkaan ayaa loo qaaday dhanka deegaanada uu ka arimiyo maamulka Somaliland, maadaama ay sheegeen dadkaasi in halkaasi ay ehladooda ku sugan yihiin.

Dadkaan ayaa lagu qaaday gaadiid, waxaana ay noqonayaa kooxdii Labaad oo laga qaado magaalada Boosaaso, ka dib markii shalay halkaasi gaadiid looga daabulay 300 oo ruux.

Wararka ayaa sheegaya in dhammaan dadkani ay u badan yihiin Haween iyo Caruur, oo horay ugu soo dhibtooday dalka Yemen.

Shirkadda Isgaarsiinta Golis ayaa maalintii shalay ahayd waxa ay magaalada Boosaaso ka amba bixisay 300 oo qof, kuwaasi oo horay lasii siiyay lacag jid mar ah.

Goobjoog News