U bood dhigaalka

Isbadallo Ka Dhashay Khilaafka Mustafe Cagjar iyo Axmed Shide

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida  Itoobiya Mustafe Muxumed Cagjar ayaa xilka ka qaadey wasiirkiisii warfaafinta Guuleed Aw Cali Kaahin isaga oo isla jagadaasi u magacaabey Cabdillaahi Maxamed Mowliid.

Arrintan ayaa qeyb ka ah khilaafka u dhaxeeya  wasiirka maaliyadda dawladda federaalka Itoobiya Axmed Shide iyo madaxweynaha kumeel-gaadhka ah ee deegaanka  Soomaalida Mustafe Cagjar.

Cabdillaahi Maxamed Mowliid oo hadlayey magacaabistiisa kadib ayaa yiri”Qof kasta oo ummadda dhibaato u gaystay sharciga ayaa la hor keeni doonaa, cidna gorgortan lagalama gali doono” .

Waa wasiirka maaliyadda Itoobiya Axmed Shide,  waxaa uu garab ka heystaa Abiy Axmed ra’isul wasaaraha Itoobiya, waa siyaasi horay uga soo shaqeeyey xukuumaddii Hailemariam Desalegn.

Khilaafka laba nin ayaa gaaray in la shaki geliyo isbadalka ka dhacay Itoobiya iyo siyaasadda dowladda federaalka ah ee gobolka Soomaalida.

Goobjoog News