U bood dhigaalka

Isbadalo Waaweyn oo Ka Muuqda Golaha Wasiiradda Puntland

Sheeko:Dalka

Waxaa goordhaweyd lagu dhawaaqay golaha wasiiradda Puntland kuwaasi oo ku yimid qaab isku shaandheyn ah, waxaana liiska ka muuqda isbadalo waaweyn.

Goobjoog News oo isha ku heysey arrinta isku shaandheynta ayaa ogaatay in isbadalada dhacay qaarkood ay la yaab yihiin

Wasiiro Meesha Ka Baxay

Waxaa golaha laga saaray inta badan wasiiraddii horey uu Gaas u magacaabay markii xilka madaxtinimada loo doortey, balse waxaa ugu caansan Cali Xaaji Warsame iyo Dr. Axmed Saadaq Eenoow.

Labadani nin waxa ay ahaayeen musharixiintii xilka kula tartamay madaxweyne Gaas, markii ay ku guuldareysteena loo magacaabay xilal wasiirnimo.

Cali Xaaji waxa uu ahaa wasiirkii waxbarashada, waa ganacsade caan ah , wuxuuna agaasime ka ahaa shirkadda taleefoonada Golis. Waxaa xilkiisa loo magacaabay Abshir Aw Yuusuf Ciise

Dr. Saadaq Eenoow waxa uu ahaa wasiirka caafimaadka , waa siyaasi caan ka ah gudaha Soomaaliya iyo Puntland-ba, waxaana xilkiisa loo dhiibey wasiirkii warfaafinta Dr. Cabdinaasir Cusmaan Ciise.

Lama oga sababta siyaasiyiintani aqoonyahanada ah ee miisaanka leh looga qaaday xilka, waxaase xusid mudan in aysan ka mid ahayn wasaaradihii cabashada ka jirtey horaan.

Wasiirada Kale ee xilkooda waayay waxaa ka mid ah

Wasiirkii Cadaaladda, Ismaaciil Maxamed Warsame.
Wasiirkii Amniga, Xasan Cismaan Alloore.
Wasiirkii Deegaanka, Guuleed Saalax Barre.
Wasiirkii Beeraha, Cabdi Ismaaciil Boos.
Wasiirkii Qorsheynta, Cali Axmed Faatax.
Wasiirkii Xannaanada Xoolaha, Cabdullaahi Ducaale Cali

Wasiirada Golaha Ku Haray

Waxaa jira dhawr wasiir oo golaha ku haray, waxaana ugu caansan Axmed Karaash oo xilkiisii arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose markale loo magacaabay.

Karaash waxa uu ka mid ahaa madaxweynayaasha wareegtada ahaa ee Khaatumo State ka hor intii aanan Cali Khaliif Galery loo dooran madaxtinimada Khaatumo.

Waxaa kale oo golaha dib ugu soo laabtay Maxamuud Xasan Soocade oo balse hadda loo magacaabay wasiirka warfaafinta, halka markii hore uu ahaa wasiirka ganacsiga iyo warshadaha.

Wasiiradda haweenka Aniisa Cabdiqaadir Muumin ayaa iyaduna xilkeedii kusoo laabatay.

Wajiyada Cusub

Inta badan golaha waxa ay u badanyihiin dad ku cusub siyaasadda puntland, ama xilal darajo hoose soo qabtay.

Waxaa ka mid ah wasiirka amniga Cabdi Xirsi Qarjab oo ahaan jirey guddoomiyihii hore ee gobolka Nugaal, waxaana la sheegey in ninkani magacaabistiisa aad loo hadal hayay, islamarkaasina la filayo in uu wax ka qabto arrimaha amni xumada Puntland.

Waxaa kale oo golaha kusoo biirey Cali Cabdullaahi Warsame oo loo magacaabay wasiirka deegaanka iyo dalxiiska, waxaana xusid mudan in uu horey oga soo mid noqdey xukuumaddii madaxweyne Faroole.

Maxamed Cabdi Xaabsade ?

Waxaanan liiska golaha kusoo bixin siyaasiga Maxamed Cabdi Xaabsade oo aad loo hadal hayay in lagu soo dari doono golaha wasiirada Gaas.

Xaabsade waxa uu horey wasiir oga noqdey Puntland, hase yeeshee waxa uu ku dambeeyey maamulka Somaliland oo uu iyana wasiir ka noqdey, hadal heyntiisana waxa ay dhalisey xiisad u dhaxeysa Somaliland iyo Puntland.

Sababta waxa ay ahayd in Xaabsade uu ahaa ninkii Somaliland u fududeeyey in ay qabsato magaalada Laascaanood ee labada dhinac isku hayaan sanadkii 2007-dii sida ay ku eedeeyaan siyaasiyiinta Puntland, sidaasi darteed haddii uu markale Puntland ku biiro waxa ay Somaliland u aragtay in Laascaanood ay halis galeyso.

Wararka qaar oo ay Goobjoog News heshey waxa ay tibaaxayeen in magacaabista Xaabsade ay isku qabteen madaxweyne ku xigeenka Cabdikariim Cameey oo ay isku beel kasoo wada jeedaan Xaabsade iyo madaxweyne Gaas.

Si kastaba ha ahaatee isku shaandheyntani ayaa timid xili dhaliilo loo jeedinayay xukuumadda Gaas, iyada oo xitaa ay jireen xildhibaano mooshin ka gudbiyey inkasta oo aanan golaha la horgeynin.

Lama oga waxa isbadal ah oo isku shaandheyntani ay kusoo kordhin doonto Puntland.

Goobjoog News

 

Mawduucyada:Gobollada