U bood dhigaalka

Isbitaalka Balad Xaawo Oo La Dhigay Dad Qaba Cudurka Duumada

Sheeko:Caafimaadka

Waxaa magaalada Balad-xaawo ee gobolka Gedo ka dilaacay cudurka duumada waxaana isbitaalka magaalada la dhigay dad ay soo ridatay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in cudurkan ay u dhinteen todobaadkan gudihiisa ilaa 4 waxaana hadda Isbitaalka guud ee Baladxaawo Jiifa dad badan oo qaba duumada.

Dr Jamaal Xasan Mire oo ka howlgala Isbitaalka Balad-xaawo ayaa Goobjoog News uga waramay waxa keenay cudurka iyo dadka hadda Isbitaalka u jiifa.

“Waxaa lagu jiraa xilliga xagaaga oo qabowga ah waxaana dilaaca cudurka duumada, duumadana waxay keentaa Shuban biyood badan dadka ay soo ridatay waxaa ay gaarayaan ugu yaraan labo boqol oo qof Isbitaalka waxaa ku dhintay afar qof”.

Inta badan xilliyada qabowga waxaa dilaaca cudurka duumada taasi oo sabab u ah biyaha roobka, sidoo kale dadka qaar ayaa isticmaalin waxyaabaha looga hortago cudurkan waxayna arrintaasi keenaty inay soo ridato duumada dad badan.

Goobjoog News