U bood dhigaalka

Isbitaalka Cadaado Oo Lagu Soo Kordhinayo Qeybo Cusub

Sheeko:Caafimaadka

Mashruuca lagu ballaarinayo dhismaha isbitaalka dhexe ee magaalada Cadaado ayaa maanta si wadajir u dhagax dhigay wasiirka caafimaadka ee dowlad goboleedka Galmudug iyo guddoomiyaha magaalada Cadaado.

Fulinta mashruucani lagu hormarinayo isbitaalka degmada Cadaado ayaa waxaa iska kaashanaya hay’adda CBD iyo bulshada degaanka.

Wasiirka caafimaadka Galmudug Naciima Maxamed Maxamuud iyo guddoomiyaha degmada Cadaado Cabdullaahi Cabdiraxmaan Xuseen ayaa bogaadiyay in la ballaariyo dhismaha isbitaalka si shaqada uu bulshada u hayo ay tayo u yeelato.

Bulshada ayay ka codsadeen inay kaalin fiican ka ciyaaraan dhismaha isbitaalka magaalada Cadaado.

Agaasimaha guud ee isbitaalka dhexe ee magaalada Cadaado DR. Maxamed Cumar Yuusuf  ayaa sheegay in qeybo cusub lagu soo kordhin doono isbitaalka.

“Waxaa qorshaha yahay sida nagu la soo wargaliyay in isbitaalka la ballaariyo oo dhulkaan aad arkaysaan lagu daro lagana sameeyo isbitaal weyn oo ka kooban dhowr qeyb waxaana qeybaha cusub ee la dhisi doono ugu muhiimsan qeybtii qalliinka, qeybta bukaan jiifka rag iyo dumar oo waayeellada leh iyo qeybo badan oo bukaan socotada ah” ayuu yiri agaasimaha.

Wuxuu kaloo sheegay in la sameynayo qeyb lagu keydsado biyaha oo Isbitaalka Cadaado hadda uusan lahayn.

Agaasimaha isbitaalka Cadaado DR. Maxamed Cumar ayaa sheegay in isbitaalka haddii uu intaas helo ay wanaagsan tahay shaqada uu qaban doono.

Isbitaalka Cadaado ayaa hadda howlo kala duwan u qabta bulshada deggan magaaladaasi iyo degaannada kale ee ku xeeran ee isla gobolka Galgaduud.

W/D: Maxamed Cabdullaahi Maxamed

Goobjoog News