U bood dhigaalka

Isgaarsiinta Degmada Baardheere Oo Saaka Hawada Ka Maqan

Sheeko:Dalka

Wararka laga helayo degmada Baardheere ee gobalka Gedo ayaa sheegaya in hawada ay saaka ka maqan tahay guud ahaan isgaarsiintii degmadaasi.

Ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya ayaa la sheegay in ay ka dambeeyeen in la damiyo Isgaarsiinta.

Saraakiil isugu jirta Soomaali iyo Itoobiyaan ayaa la tilmaamay inay tageen xarumihii Isgaarsiinta ee degmada Baardheere, kuna amray illaa amar dambe aan la shidin.

Wararka ay sidoo kale helayso Goobjoog News ayaa sheegaya in sababta hawada looga saaray Isgaarsiinta ay tahay ciidamada is garabsanaya oo howlgallo ballaaran ka wada deegaanada duleedka ka ah degmada Baardheere.

Shacabka ku dhaqan degmada Baardheere ayaa walwal ka muujiyay Isgaarsiinta hawada ka maqan, sababtuna waxay ku sheegeen in adeegyo badan ay ku haysteen.

Goobjoog News