U bood dhigaalka

Isgaarsiinta Qandala Oo Hawada Ka Maqan

Sheeko:Dalka

Wararkii ugu dambeeyay ee degmada Qandala ee gobolka Bari ayaa sheegaya in xaaladdu ay tahay mid cakiran islamarkaana aan la sheegi Karin cidda sida rasmiga ah ugu sugan Qandala.

Isgaarsiinta degmada ayaa hawada ka maqan maalmahan illaa intii ciidanka Puntland ay u ruqaansadeen dhanka degmada Qandala ee gobolka Bari.

Wariyaha Goobjoog News ee Boosaaso ayaa soo sheegaya in ciidanka Puntland iyo kooxda qabsatay Qandala ay ku dagaallameen shalay meel 34 KM u jirta Qandala.

Ciidamada ayaa ku sugan duleedka Qandala gaar ahaan tuulo lagu magacaabo Madlaxo lama caddeyn karo in ciidanku ay gudaha u galeen Qandala iyo in kale, taasoo ay ugu wacan tahay in degaanka aysan wax isgaarsiin ah ka jirin.

Wararka qaar ayaa tilmaamaya in kooxdii hubeysnayd ay isaga baxday degmada Qandala ee gobolka Bari waxaana xaaladda degmadaasi la soo sheegayaa inay tahay mid kacsan.

Qandala oo ah magaalo xeebeed waxaa ciidanka Puntland ay ugu dhaqaaqeen dhowr jiho oo dhanka barriga iyo badda ah waxaana ciidanka horkacaya guddoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Waceys Dhedo, masuuliyiin iyo saraakiil kale oo ciidan.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada