U bood dhigaalka

Isgaarsiintii Degmada Saakow Ee Gobalka Jubada Dhexe Oo Hawada Ka Maqan

Sheeko:Dalka

Wararka laga helayo degmada Saakow ee gobalka Jubada Dhexe ayaa ku waramaya in hawada ay ka maqan tahay ku dhawaad 24-saac, isgaarsiintii demadaasi.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in Xarakada Al-shabaab ay damiyeen Isgaarsiinta degmadaasi, iyadoo sababta aan la ogeyn.

Shalay gelinkii hore ayaa lagu amray shirkadaha halkasi ka shaqeeya in ay hawada ka saaraan Isgaarsiinta, iyadoo shirkadaha ay amarkaasi u hogaansameen.

Dad ku dhaqan degmooyinka kale ee Gobalka Jubada Dhexe ayaa sheegay in dadkii halkaasi ka yimaaday ay u sheegeen in degmada iyo deegaano ku dhaw aan wax isgaarsiin ah ka shaqeynayn, xilli dadka ay aad xilligaan ugu baahan yihiin Isgaarsiinta.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News