U bood dhigaalka

Iskaashiga Canshuurta Dowladda, Dagaalka Ukrain iyo Abaarta oo Qaali Ka Dhigay Gaaska

Sheeko:Dalka

Qiimaha gaaska ayaa sare ukac ku yimid iyada oo ay aad u kacay qiimaha la siiyo haamaha ay ku jiraan 6 kiilo, 13 kiilo iyo 20 kiilo.

Haanta 6 kiilo, oo qiimaheedu ahaa $9 ayaa hadda ah $13, hanta 13 kiilo oo qiimahu ahaa 22 ayaa hadda noqotay $22 halkii hanta 20-ka kiilo oo $28 aheyd ay hadda suuqyada Muqdisho ka mareyso ilaa $44.

Sababaha sare u kaca ayaa waxaa lagu sheegayaa in ay maraakiibta sida ay taaganyihiin dekadda, noola dejin canshuurta oo lagu qaaliyeeyey.

Sababaha kale waxaa ka mid ah dagaalka ka socda Ukrain, abaarta, dagaallada iyo saameyntii COVID 19 oo weli socota.

Khubarada dhaqaalaha ayaa waxaa ay sadaalinayaan in uu qiimaha sii kici doono haddii aan la helin haamo cusub oo suuqa oo gala, taasi oo saameyn doonta qoysas badan, isla markaana keeni doonta isticmaalka dhuxusha iyo in geedaha la jaro, oo nabaadguur dhaco.

Goobjoog News