U bood dhigaalka

Isreal Oo Markii Ugu Horaysay Nin Muslim Ah Xil Sare U Magacaawday

Sheeko:Dalka

Khaled Kabub ayaa loo magacabay kursi joogta ah oo ka tirsan maxkamadda sare ee Isreal, waxa uuna noqday muslimkii ugu horeyay ee xilkaas loo magacaabo.

Dadka Isreal ayaa in ka badan 20% waxa ay yihiin dad carab ah, xaakimiinta maxkamadda sare Tel Aviv ayaa horay waxaa xilal kala duwan uga qabtay dad carab ah balse haysta diima kala duwan, Khaled ayaana noqday ninkii ugu horeyay ee haysta diinta Islaamka ee qabta kursi joogta ah oo ka tirsan kuraasta maxkamadda.

Kabub ayaa 63 sano jir asalkiisu yahay carab-Isreal, mudda dheer ka shaqeynayay howlaha garsoorka iyo cadaaladda maxkamadaha.

Goobjoog News