U bood dhigaalka

Jabhadda Xoreynta Deegaannada Khaatumo Oo Looga Dhowaaqay Buuhoodle

Sheeko:Dalka

Degmada Buuhoodle ee gobolka Togdheer waxaa looga dhowaaqay jabhad lagu magacaabo Jabhadda Xoreynta deegaannada Khaatumo, taasi oo la sheegay iney la dagaallami doonto Somaliland.

Jabhaddan waxaa guddoomiye looga dhigey Faysal Falaalug oo ahaa wasiiru dowlihii hore ee amniga maamulka Khaatumo, iyadoo ku xigeenna yahay Bashiir Maxamed Xirsi oo ahaa wasiirkii arrimaha gudaha Khaatumo State.

Mas’uuliyiinta Jabhaddan ayaa sheegay in ulajeedkooda tahay sidii deegaannada Khaatumo looga saari lahaa Somaliland, sidoo kalena loo mideyn lahaa shacabka Khaatumo.

“Tani waa mideynta cududaha ee lagu xoreynayo dhulka Khaatumo, waxaa midoobey cid walbo oo aaminsaneyd xoreynta gobolladan, waxaa socdey qorsheyaal badan oo ah in dhulkeenna gacanta loo geliyo Somaliland” sidaasi waxaa warbaahinta u sheegay Faysal Falaalug oo ah guddoomiyaha jabhaddan.

Waxaa Saddexdii bil ee lasoo dhaafay wada hadal u socdey maamullada Somaliland iyo Khaatumo, iyadoo Todobaadkii tagey xubno Labadan maamul ka kala socda uu wada hadal uga furmay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Goobjoog News