U bood dhigaalka

Jalalaqsi: 5 Qof Oo Macluul Ugu Dhimatay Iyo Guddoomiyaha Oo Sheegaya In Aaney Nolol Heysan

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha degmada Jalalaqsi Maxamed Cabdulle Fiidow(Ganey) oo Wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in meel ku dhaw degmadaasi sida  Raasow, Baqdaad iyo tuulooyin kale ay 5 qof baahi iyo macluul ugu dhinteen.

Guddoomiyaha Fiidow waxaa uu sidoo kale ka hadlay in dadka qaar ay gateen cowska mudullada ay deganaayeen si ay nolol uga helaan, taasi oo sida uu sheegay ku tusineysa heerka baahida halkaasi ka jirta.

“Jalalaqsi waa magaalo ka mida magaalooyinka Hiiraan,waa degmo degmooyinka Hiiraan ka mida haada wixii ka horreeyay  oo aan Hirshabeelle la sameynin waxaan ahayn dad go’doon ah waxaan ahayn degmo go’doonsan oo dowladdii hore aan waxba u qaban, hadda waxaan rajaynaynaa in Hirshabeelle iyo xaaladda jirta aan ku guuleysanno rajada aad ayay u fiicantahay .

Guddoomiyaha waxaa uu Goobjoog News u sheegay in in magaalada ay tahay nabad aan nolo heysan, isaga oo intaa raaciyay in dadka ay qarka u saran yihiin in ay u qaxaan magaalada Muqdisho iyo hey’ado kale.

“Degmada way horumartay suuqyadii waan u dhisnay degmadii xafiisyada waan dhisnay garoonkii ciyaaraha waan dhisnay saldhiggii waan dhisnay, balse hadda waxaa nagu habsaday abaarahaan aadka u daba dheeraaday “.

Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Jalalaqsi Maxamed Fiidow, waxaa uu dhaliilay dowladdii Xasan Sheekh isaga oo wax fiican ka rajeynaya maamulka cusub ee madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada