U bood dhigaalka

Jalalaqsi: Dad Looga Shakisan Yahay Al-shabaab Oo La Qabtey

Sheeko:Dalka

Ciidmaada ammaanka degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa gacanta ku soo dhigay rag looga shakisanyahay iney katirsan yihiin xarakada Al-shabaab.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan  Abuukar Maxamed Cali ayaa sheegay iney xaaladda degmada kas oo reyneeso iyadoo mudooyinkii danbe ay hawlgalo joogta ah ay ciidamada sameyeen ay ku soo qabteen shaqsiyaad looga shakisan yahay inay qarax ka geysteen degmada Jalalaqsi.

Abuukar Maxamed Cali waxaa uu intaa raaciyay sidoo kale iney la tacalayaan xaalada bukannada uu soo ritay shuban biyoodka ee ku nool degmada, waxaa uuna tilmamay iney soo gaaratay dawooyin dawladda Jabuuti ay ugu talagashay bukaanada xanunka hada qaba.

Dhinaca kale, waxaa Abuukar Maxamed ka hadley iney abaaro xoogan ka jiraan gobolka Hiiraan taasi oo ay qeb katahay degmada meelaha ay dadka dhibatada abaarata kusamesay, isagoo ugu baaqey hey’adaha gargaarka iney gacan la soo gaaraan dadka halkaasi ku dhibaateysan.

Goobjoog News