U bood dhigaalka

Jamaal Cali Xuseen oo Xukuumadda Siilaanyo Ku Eedeeyay iney Faafineyso Warar Ka Dhan ah oo Been Abuur ah

Sheeko:Dalka

Musharaxa madaxweynenimo ee xisbiga mucaaridka ah ee Ucid ayaa xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyey iney faafineyso warar been abuur ku ah oo sheegaya inuu ku biirayo xisbiga muxaafidka ah ee kulmiye.

Jamaal Cali Xuseen oo warkan markii uu soo baxay ka hadlay ayaa sheegay iney arrintaasi haddii uu qaado ay ku tahay dhabarjab siyaasadeed isaga oo xukuumadda u aqoonsan iney tahay mid bur-burinaysa xisbiga uu ka yahay musharaxa;

“Wararkaas waxba kama jiraan waxaanad ogaataan in xisbiga Kulmiye yahay kii aanu is haynnay, laakiin annagu waxaanu eegeynaa mustaqbalka xisbigii aanu rabney dagaalkana nalooma yareysan oo aad ayaa naloola dagaalamay, wax lacag ah oo lay siiyeyna ma jirto go’aan aan ku qaatay inaan Kulmiye ku biiraana ma jirto aniga iyo garabkeyguna waxaanu ka tashaneynaa mustaqbalka xisbigii aanu ku jirnay”.

Jamaal Cali Xuseen oo garabkiisa iyo ka kale ee isla Ucid ka tirasni ay maxakamadda sare ee Somaliland dacwadi uga socoto, ayaa waxa uu tilmaamay in  maxakamadda lafteeda uu cadaalad darro ka tirsanaayo, isaga oo ku tilmaamay iney la safatay  dhinaca  Eng. Faysal Cali Waraabe oo ah guddoomiyaha xisbiga Ucid;

“Qoladan maxkamadda sare waa nimanka yidhi ergada imaneysaa waa ergadii shirweynihii 2012-kii barigaasna xisbiga kuma aanan jirin annagu, dhibaatada jirtaana waxa weeyaan marna xeerka xisbiga ayey qaadanayaan marna heshiiskayagii, haddii ay ergadaas qaateen oo xeerka xisbiga la eegayo maxaa loo eegi waayey xeerkii xisbiga ee anniga la igu doortay ee go’aankii golaha dhexe ahaa, markaa waxaad mooddaa in far badani ku jirtay oo loo soo yeedhinayey go’aamadaas annaguna sharafta ayaanu ka qaadannay oo aynu fulinno ayaanu nidhi.”

Sidoo kale, Musharax Jamaal ayaa sheegay in go’aanka maxkamadda uu dhibaato ku yahay Faysal Cali Waraabe waxanu yidhi, “Dhibaatada jirtaa waxa weeyaan Faysal Cali Waraabe ayaa xukunkii maxkamadda jabiyey tallaabana way ka qaadi wayday xataa xukunkii qarbooshka ee aanu aqbalnnay ayuu jabiyey oo uu musharaxnimo aanu ahayn sheegtay oo uu ku kaligii shir ku dhawaaqay maxkamaddii sare-na illaa maanta way ka aamusan tahay oo go’aanka xukun kamay qaadan”.

Musharax Jamaal ayaa ka hadlay talo ay ku jiraan garabka xisbiga Ucid ee uu hoggaamiyo, waxaanuu yiri; “Talo ayaanu ku jirnaa haddana waanu wadnaa arrimihii xisbiga, dhibaataduna waxa weeyaan xukunkii aanu is lahayn fuliya iyo shirkii ayaa carqalad la galiyey oo Faysal Cali Waraabe  kaligii ku dhawaaqay go’aan, maxkamadii sare-na tallaabo ayey ka  qaadi wayday”.

Xisbiga Ucid ayaa muddooyinkii dambe kala qeybsanaan ay ka dhex jirtay,  taas oo daciifisay rajadii xisbigu ugu jiray hanashada xilka madaxtooyada Somaliland.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada