U bood dhigaalka

James Swan Oo Gaaray Magaalada Jowhar

Sheeko:Dalka

Waxaa goordhaw garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad gobaleedka Hirshabelle gaaray wafdi uu hogaaminayo Ergayga qaramada midoobay u qaabil san arimaha soomaaliya James Swan.

Wafdiga Swan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar ku soo dhaweyay madaxweeynaha dowlad gobaleedka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo mas’uuliyiinka ka tirsan maamulka Hirshabeelle.

Madaxweeynaha Hirshabeelle ayaa soo dhaweynta kadib kulan la qaatay James Swan, iyadoo kulanka looga hadlay xaaladda dalka gaar ahaan arimaha doorashooyinka, iyo sidii xal looga gaari lahaa tabashooyinka ka taagan Doorashada.

Socdaalka Ergayga qaramada midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya ayaa ku soo adaya xilli labadii isbuuc ee la soo dhafay uu socdaalo xal u raadin ah uu ku marayay maamul gobaleedyada dalka .

James Swan ayaa horay u tagay maamulada , Galmudug, Puntland iyo Koonfur galbeed , kuwaas oo uu kala hadlay sidii la isugu keeni lahaa madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad gobaleedyada dalka, si loo xaliyo khilaafaadka doorashada.

Ergayga ayaana la filaya in uu Sabtida uu gaaro magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland , halkaas oo uu kulank kula qadan doono madaxweeynaha dowlad gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islam Madoobe .

Arbacada soo socoto ayaana la sugaya in shir weeyne wada tashi magaalada Muqdisho ay isug yimaadaan Madaxda dowlad gobaleedyada dalka iyo Madxweeyne Farmaajo.

Dowladda Soomaaliya ee uu hogaamiyo madaxweeyne Farmaajo ayaa ku guul dareeysatay in xal laga gaaro tabashooyinka maamulada qaar ee arimaha doorashada dalka .