U bood dhigaalka

Jeneraal Fartaag “Al-shabaab Waan Ka Saareynaa Deegaanada Ay kaga Sugan Yihiin Jubooyinka Iyo Gedo”

Sheeko:Dalka

Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in Xarakada Al-shabaab ay kala wareegi doonaan dhawaan deegaanada ay kaga sugan yihiin gobalada Jubooyinka iyo Gedo.

Madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo saxaafadda kula hadlay magaalada Kismaayo ayaa sheegay in uu socdo qorshe ay ku qaadayaan duulaan ka dhan ah Al-shabaab.

Waxa uu sheegay Fartaag in dhammaan deegaanada ka maqan gacanta Jubbaland ay soo celintooda ka qeybqaadan doonaan dowladda Federaalka, AMISOM iyo IGAD.

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa sheegay in xilligaan ay tahay waqtigii la xureen lahaa dhammaan deegaanada ka maqan gacantooda ee gobalada Jubooyinka iyo Gedo, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Xarakada Al-shabaab ayaa weli gacanta ku haysa deegaano ka mid ah gobalada Jubada Hoose, Jubada Dhexe iyo Gedo.

Goobjoog News