Jowhar: Aabe Wiilkiisa Gowracay Oo Gacanta Lagu Dhigay

Ciidamada Booliiska ee dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa lagu soo waramayaa in duleedka magaalada Jowhar kasoo qabteen Cismaan Ibraahim oo shalay wiilkiisa ku gowracay magaaladaasi.

Taliyaha Booliiska Jowhar, Maxamed Siyaad Cali Canjeex ayaa sheegay in ciidanku ay soo qabteen ninkan oo sii baxsanayey, xilli uu marayey tuulo ku dhow magaalada Jowhar.

Wiilka la gowracay oo 14-sano jir ahaa ayaa lagu magacaabayey Ibraahim Cismaan Ibraahim, iyadoo weli aan la ogeyn sababta ka dambeysay gowraciisan.

Booliiska ayaa hadda waxa ay wadaan baaritaanka kiiskan, iyadoo dadka deegaanka la yaaban yihiin waxa ku kalifay Aabe Cismaan inuu dilo wiilkiisa curadka ah.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW