U bood dhigaalka

Jowhar: Barakacayaal Ka Qeylo Dhaamiyay Biyo La’aan

Sheeko:Dalka

Barakacayaal ku sugan garoonka diyaaradaha degmada Jowhar ayaa qeylo dhaan xooggan ka muujiyey xaalad biyo la’aan iyo sidoo kale mid caafimaad darro.

Qaar kamid ah barakacayaashan oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in biyo aysan haysan,  islamarkaana ciidamada AMISOM ay ka heleen ballanqaad ah in Todobaadkiiba ay siiyaan 40 Liter oo biyo.

Mid kamid ah haweenka ku dhaqan xeradaasi barakac oo ka gaabsatay magaceeda ayaa u sheegtay Goobjoog News, in haddii aan wax laga qaban xaaladooda ay dhibaato nololeed oo hor leh galayaan.

Madaxweyne Maxame C/laahi Farmaajo ayeey si gaar ah ugu baaqday in il gaar ah ay dowladdiisa cusub ku eegto dadkaasi, islamarkaana ay lasoo gaarto gurmad raashiin iyo biyo ah.

“Annaga dhibaato ayaan ku jirnaa, dawo ma haysanno, biyo ma haysanno, AMISOM ayaa Todobaadkii waxay na siiyaan 40 Liter oo biyo ah, waad ogtihiin in aysan biyahaasi aysan dabooleyn baahideyna”

Gobolka shabellaha dhexe ayaa kamid ah gobollada dalka ee ay saameysay abaarta, waxayna dadka ku dhaqan gobolkaasi u baahan yihiin gurmad degdeg ah.

Goobjoog News