U bood dhigaalka

Jowhar: Beeraleyda Oo Ka Walaacsan Biyo Yaraanta Wabiga Shabelle

Sheeko:Dalka

Beeraleyda ku dhaqan magaalada jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe ayaa walaac ka muujiyey xaalad biyo yari ah oo ka jirta wabiga Shabelle, gaar ahaan qeybta uu gobolkaasi ka maro.

Waxay sheegayaan beeraleydan in waraabinta beerahooda ay u adeegsanayaan matooro biyaha Wabiga kasoo saara, maadaama xilligaan Kanaaladu aysan awoodin in Wabiga ay biyo kasoo saaraan.

C/qaadir Maxamed Iimaan, waxa uu kamid yahay beeraleyda ku dhaqan magaalada Jowhar, waxa uu Goobjoog News u sheegay in biyo yarida wabiga saameyn badan ku yeeshay islamarkaana hadda ay tabartu tustay in Matooro ay adeegsadaan, dalagyadii la beeranayey aaney usoo bixin sidii loo baahnaa.

“Biyihii Wabiga sanadkaan aad ayeey u hooseeyaan, dalagyadii la beeray ee Galeyda, Yaanyada iyo Sisinta sidii la rabey uma aaney soo bixin, xilligii beeraha la abuurayey beerahan xitaa wabiga wuu hooseeyey, hadda waxaan isticmaaleynaa Matooro, sidaas oo ay tahay xitaa Matooradii maba kaafin karaan, waxay joogtaa in la dhaho Matoorka iga damiya, maalinba maalinta ka dambeysa biyaha Wabiga hoos bay u socdaan” ayuu yiri C/qaadir.

Cabsida ugu daran ayaa waxay tahay in mar kale biyaha Wabiga la waayo sidii dhacday muddo hadda laga joogo 8 Bil oo la waayey dhammaan biyahii Wabiga.

Sababta ugu weyn ee biyo yaraanta Wabiga Shabelle ayaa la sheegayaa iney tahay roobka aanu da’in xilligii loogu talogalay.

Goobjoog News