U bood dhigaalka

Jubbaland: Amarro Cusub Oo Lagu Soo Rogay Shirkadaha Duulimaadka

Sheeko:Dalka

Maamulka Jubbaland ayaa amarro cusub kusoo rogay shirkadaha duulimaadka ee ka shaqeeya magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose.

Cabdullaahi Aadan Maxamuud oo ah maareeyaha guud ee Garoonka Kismaayo ayaa isaga oo la hadlaya warbaahinta waxa uu faahfaahiyey amarradan iyo waxa ay kala yihiin.

Ugu horreyn waxa uu sheegay in shirkadaha looga bahan yahay inay ilaaliyaan waqtiyada duulimaadka saxda ah, isla markaana qof rakaab ah aanu garoonka ku sugnaan karin wax ka badan Saddex saac.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in qof isku soo diyaariyey safar, kuna sugan garoonka aan laga reebi karin diyaaradda isla markaana lagu beddeli karin shaqsi kale.

Waxaa kale oo maareeyuhu uu sheegay in diyaarad shacab ay sugayeen aan dad kale laga kirayn karin, haddii ay dhacdana ay tallaabo ka qaadi doonaan.

Ugu dambeyn, Maareeye Cabdullaahi ayaa ugu baaqay shacabka ku safraya Garoonka Kismaayo in mar walba iyaguna ay waqtiga ballanta adkeeyaan, Saddex saac ka hor waqtiga duulimaadkana ay tagaan garoonka Kismaayo.

Goobjoog News