U bood dhigaalka

Jubbaland: Goobo Hor Leh Oo Loo Diyaariyey Qaxootiga Kasoo Laabanayaa Kenya

Sheeko:Dalka

Maamulka Jubbaland iyo Guddiga Dib u Dajinta qaxootiga ka soo laabanaya Kenya ayaa sheegay in ay diyaariyeen Goobo hor leh oo dadkaasi la dajiyo.

Guddomiye ku xigeeenka guddiga  qaxootiga iyo barakacyaasha Maamulka Jubbland Nuur Qadar oo war kooban kasoo saaray  tiro koob ay dhawaan ku sameeyeen  qaxootiga dib uga soo laabtay xeryaha Kenya  ayaa shaaciyay tirada qaxootiga ah ee dib uga soo laabtay xeryaha Kenya Saddexdii sano ee lasoo dhaafay.

Guddomiye ku xigeenka guddiga ayaa sheegay  inay caqabado badan ay kala kulmeen  dib usoo celinta qaxootiga  ee deegaannada Jubbland, isagoo tilmaamay in hadda weli  uu socdo qorshihii dib u dejin ballaaran loogu sameyn lahaa  magaalooyinka  Kismaayo , Dhoobley, Luuq iyo Afmadow isagoo sheegay dadka soo laabanaya iney u badan yihiin haween iyo caruur.

“Tan  iyo 2014-kii ay bilaabatay  soo celintan iyo mashruucaan  ayay socotaa dadka noo diiwaangashan  waa 4,013 oo qoys, dadkaas waa dadka ka yimid xeryaha Kenya “.

Waxay ahayd markii heshiis Seddex geesood ah ay kula saxiixdeen sanadkii 2013-kii  magaalada Nairobi dowladda Fedarlaka Somaaliya , Hay’adda UNHCR iyo dowladda Kenya  ayaa qaxootiga waxay bilaabeen inay dib uga soolaabtaan xeryaha dhadhaab .

Xeryaha dhadhaab ayaa waxaa ku noolaa Nus Milyan qaxooti Soomaali ah kuwaas oo ka qaxay dagaalladii ka jiray wadanka .

Dhanka kale guddoomiyaha magaalada Kismaayo Maxmed Ibraaahim  Timo jilac oo ka hadlay qaxootiga dib uga soo laabaty  maagaaladaasi iyo deegaannada hoos yimaada  ayaa waxa uu sheegay in xaalad adag ay soo foodsaartay madaama waqti abaaro ah lagu gudo jiro, sidoo kalena maamulka magaalada Kismaayo, Hay’adaha deeq bixiyeyaasha ay tabar u waayeen qaxootiga iyo barakacayaasha  dib uga soo laabtay Kismaayo .

Timo jilac waxa uu sheegay in adeegyadii aasaasiga uahaa noolosha dib u dajinta caafimaadka iyo waxbarashada ay waayeen  waxa uuna yiri “ annagu waan qeylinay  dadka nolol ayay ubaahanyihiin iyo hoy  ilmaha iskuullo ma haystaan wax badan ayaa is dhexyaacsan  qeyladii Jubbaland meel walba waa laga maqlay  maahan inaad diidanahay dadkeena  inuu soo laabto balse waxaa la rabaa in dadka aan meel cidlo ah la dhigin”

Goobjoog News