U bood dhigaalka

Jubbaland: Lacag Kuma Raadineyno Qaxootiga Kasoo Laabanaya Kenya

Sheeko:Dalka

Wasiirka Arrimaha gudaha Jubbaland Maxamed Ibraahim Darwiish ayaa sheegay iney soo dhoweynayaan cid walbo oo dib uga soo laabato xeryaha qaxootiga Kenya, balse ay muhiim tahay in dadkaasi ay helaan xanaano.

Wasiirka oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in Jubbaland aaney marnaba qarash ku raadineyn qaxootiga Soomaaliyeed ee Kenya, islamarkaana dib dalkooda ugu soo noqonaya, balse waxa ay doonayaan kaliya ay tahay in dadku ay helaan nolol ka wanaagsan middii ay ku noolaayeen.

“Dhaqaale in nalagu siiyo ma rabno, ee waxaan dooneynaa in dadka dhaqaalihii lagu siinayey Dhadhaab in lasoo raaciyo si noloshooda ugu maareeyaan, dhulka ay degayaan waa meel u baahan la qabsi, marka wixii ay meesha ku heysteen waa qasab in dalkoodana ay ku helaan, annagane waxaan ku dadaaleyno waa intaas” ayuu yiri wasiirka

Wasiir Darwiisha ayaa dhinaca kale sheegay in ay diyaarsan yihiin meelihii la dejin lahaa dadka Soomaaliyeed ee kasoo laabanaya xeryaha qaxootiga Kenya, dadkuna ay si iskood ah ku imaan doonaan oo aan lasoo qasbeyn.

Soomaali badan oo muddo qaxooti ku ahaa dalka Kenya ayaa bilaabey in si iskood ah dalkooda ugu soo laabtaan, kadib dhibaatooyin ay kula soo kulmeen xeryihii ay ku noolaaayeen.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada