U bood dhigaalka

Jubbaland: Lo’dii Ugu Tirada Badnayd Oo Laga Dhoofiyey Dakadda Kismaayo

Sheeko:Dalka

In ka badan 2000 oo Neef oo lo’ah ayaa maanta laga dhoofiyey marsada wey nee magaalada kismaayo,  xoolahan oo in mudo ah lagu xannaanaynayay maxjarka xoolaha Jubba ayaa loo dhoofiyey dalka Cummaan.

Tiro afar jeer oo laga dhoofiyey lo’da dekadda magaalada Kismaayo ayaa la sheegayaa inay tahay tiradii ugu badnayd.

Cabdilaahi fanax waa Maareeyaha Maxjarka kismaayo waxa uu sheegayaa inay ku dadaaleen suuq u helida xoolaha dalka, isagoona sheegay in dalalka carbata intooda badan ay u dhoofin doonaan.

Xoolaha Soomaaliya oo la sheego inaysan caafimaad ahaan u wanaagsanayn taasoo mararka qaar keenta in dalalalkii loo dhoofiyery ay dib isaga soo celiyaan, laakin maareeyuhu wuxuu sheegayaa inay hubiyeen isla markaana ay muddo daryeelayeen.

Maxjarka xoolaha Juba oo sanadkii hore uu xadhiga ka jaray madaxwaynaha Jubbaland kadib markii la dayactiray maadaama uu kamid ahaa meelihii ay saameeyeen dagaaladii sokeeye ayaa La aaminsanayahay inuu meesha ka saari karo walaaca xoolalaydu ay ka qabaan Meel ay ugu helaan xoolahooda suuq wanaagsan.

Goobjoog News